Dowladda Sacuudiga oo Shaacisay Go’aan ganacsato Soomaaliyeed ka farxiyay

Hay’adda guud ee cuntada iyo daawooyinka ee dalkaasi ayaa soo saartay go’aan farxad leh oo ku aadan in xayiraadii laga qaaday hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo soo dhoofin jirey Boqortooyada Sacuudiga.

Wargeyska CUKAAD ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ogaaday, soona daabacday xogtaasi lagu shaaciyey in la fasaxay hilibka iyo xoolaha geela, lo’da iyo Idaha laga keeni jirey Jamhuuriyadda Federalka ee Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo la tixraacayo qoraal ay soo saartay hay’adda caalamiga ee Caafimaadka xoolaha, si loo qaado xayiraadii xoolaha Soomaaliya saarnayd sannadihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, rugta midowga ganacsiga dalka Sacuudiga ayaa bilaabay inay Wareegto u kala diraan gugaha ganacsiga iyo macaamiisha kale ee ay khuseyso, si loogu wargeliyo in xayiraadii laga qaaday Soomaaliya.

Ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa hilibka dhoofiya ayaa aad ugu farxay go’aankan kasoo baxay boqortooyada Sacuudiga , waxa ayna ganacsatan isku diyaarinayaan sidii hilib ugu dhoofin lahaayeen Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -