WhatsApp oo joojin doonta Isticmaalka qeybaha farriimaha Mobeelada qaar iyo Sababta keentay

Laga bilaabo bishan December 31-da oo ku beegan maalinta Sabtiga ee soo socota, waxaa isbedel lagu samayn doonaa Isticmaalka qeybta fartiimaha ee (WhatsApp messaging App), iyadoo la joojin doono shaqaynta 49 mobaylo kala duwan.

Mobaylada shaqooyinka qeybta farriimaha laga joojin doono ayey waxay shirkadu sharuud ka dhigtay in Mobaylada lagu sameeyo Update, si lagaaga qaado xayiraada isticmaalka qeybta lagu qor farriimaha (messenger)-ka.

Qoraalka WhatsAppka waxaa lagu xusay in malaayiin macaamil ee mobaylada isticmaala laga joojin doono adeegga messengerka, haddii aysan mobayladooda ku samaynin update.

49-ka nooc ee Mobaylada duuga ah (older model mobiles) ee uu khuseyn doono go’aankaasi waxaa laga xusay Mobaylada noocyadooda kala yihiin: Android iyo iPhone, oo ay ku jiraan Samsung, LG, Huawei, iPhone 5 iyo 5c.

Isticmaalataasha oo dhan waxay farriin qoraal ah ka heli doonaan Maamulka WhatsAppka si loogu wargeliyo inuu Mobayladooda u baahan yihiin Soo-dejinta dib-u-cusbooneysiinta (to Install the update).

Afhayeen u hadlay WhatsApp ayaa sheegay in mararka qaarkood loo baahan yahay in la bedell Softwareka, iyadoo ay WhatsApp dib-ueegis ku sameeyaan Nidaamka Adeega ee uga baahan Taageerada iyo in lagu sameeyo updates.

Si kastaba ha ahaatee, bishii October markii ay shaqada joojiyeen Mobaylada hore ee iPhone ee isticmaali jirey IS 11 Software waxay Maamulka WhatsApp Farriin qoraal u direen Isticmaalayaasha si loogu hago Tallaabooyinkii u dambeeyey ee Teknoolajiyada, iyadoo si meerto ah loo joojiyo isticmaalka Nidaamyadii hore ee WhatsApp.

W/Q Ustaad Nuradin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -