Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed oo soo afjaray khilaafkii guddiga doorashada G/Woqooyi

Xubnaha Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa la filayaa in lagu daro afar xubnood oo ka socda Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Cabdi Xaashi ayaa horey u diidanaa guddigan oo uu magacaabay RW ku-xigeenka, isagoo ku doodayey in isagu uu xaq u leeyahay magacaabidiisa maadaama uu yahay masuulka ugu sareeya ee DF ugu jira xubnaha ka soo jeeda gobolada Woqooyi.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii kulamo lagu xalinayo tabashada Gudoomiyaha Aqalka sare lagu qabtay magaalada Garoowe Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Waxaa kulankan qeyb ka ahaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland waxaa lagu gaaray isfamka xubnaha loogu darayo Gddoomiyaha aqalka sare Guddiga ay magacowday Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhowr jeer ka soo horjeestay guddiga doorashada xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo ay magacaawday xukuumadda, isaga oo Magacaabay Guddiyo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -