(Sawirro) Wasiiradii uu Magacaabay Laftagareen oo xilalka la wareegay

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayaa ka qeyb galey Munaasabad lagu dhaarinaayey Xubno cusub oo ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed oo lagu qabtey Magaalada Baydhabo.

Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey waxaa ay kala yihiin Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Cabdifatah Cali Yuusuf oo bedelay wasiirkii iska casilay xilkaas Ilyaas Cali Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha KG  Cabdullahi Mohamed Aadan,  Wasiir kuxigeenka Shaqada Iyo shaqaalaha KGS Cumar Cabdiraxmaan Maxamed.

Waxaana Munaasabada ka soo qeyb galey Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha wakiilada KGs, Gudoomiyaha Maxkamdda sare KGS, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda KGS iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa jooga Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka golaha wadatashiga ee u furmaya madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -