Mareykanka oo qaadaya talaabo halis ah oo Ruushku horey dignin adag uga bixiyey

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa ka fekeraysa inay Ciiddanka Ukraine ee ku shaqeyn doona Nidaamka difaaca Gantaalada The Patriot missile defense system in lagu tababaro Saldhig Milliteri oo ku yaalla gudaha Maraykanka.

Sida lagu daabacay Wargeyska Politico, waxaa Xogtaasi laga soo xigtay 2 Sarkaal oo ka tirsan The Pentagon, balse weli lama xaqiijinin in lagu tababari doono gudaha Maraykanka ama in loo weecin doono Saldhig ay Milliteriga Maraykanka ku leeyihiin gudaha dalalka Europe.

Tan iyo markii ay Milliteriga Raashiya qabsadeen Ukraine bishii February 24-dii ee sanadkan 2022-ka waxaa Milliteriga Ukraine lagu  tababari  jirey  Bariga Europe,  Germany iyo UK,  iyagoo horey loo tababaray Isticmaalka Gantaalada Maraykanka ee HIMARS iyo Nidaamka Hubka kala duwan ee Isbahaysiga NATO.

Dhanka kale,  Wasiirka Difaaca ee dalka Ukraine,  Oleksii Reznikov waxa uu sheegay inay Ciiddankooda dhawaan la wareegi doonaan Isticmaalka Nidaamka Difaaca Gantaalada ee Patriot.

Horey, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka,  Antony Blinken waxa uu u shaaciyey in Nidaamka Gantaalada ee Patriot ee la siinayo Ukraine qeyb ka yihiin Xirmada Deeqda Cusub ee Kaalmada Milliteri ee Ukraine ee qiimaheedu dhan yahay 1.85 billion oo Dollar ($ 1.85 billion).

Nidaamka difaaca Patriot ayaa hadii lagu rakibo Ukraine waxaa uu u baahan doonaa 90 askari oo mareykan ah, maadaama ciidamada Ukraine aysan u tababarneyn isticmaalkiisa hase ahaatee Mareykanka ayaa ka cabsi qabaa inuu Ruushku ka caroodo haddii uu ciidamadiisa geeyo Ukraine, wuxuuna taas bedelkeed  doonayaa inuu isticmaalka qalabkan casriga ah u tababaro ciidamada Ukraine kaasoo qaadan kara muddo 90 cisho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -