Madaxweyne Deni oo baaq u diray Dowlada Somalia ka dib qaraxii Ex-kontrol Afgooye

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyaynaysaa Qaraxii arxandarada ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Ex-kaantarool, taasi oo ahayd murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland wuxuu uga tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la daalaa-dhacaayey noloshooda, una boogadhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii meel looga soo wada-jeesan lahaa wax uu ugu yeeray cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qaybsanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa lagula kacay Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Alle uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardawsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -