Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo howlgal qorsheesan ku dilay xubno katirsan Al Shabaab oo…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Octoobar ayaa howlgal qorsheesan oo ay ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay xubno katirsan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 14 oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka G/le Sare Nuur Maxamed Gaaboow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Gumeysidiid ee kuyaalla duleedka Owdhiigle ku dileen shan xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in ay ciidamada heleen xogta koox katirsan Al Shabaab oo isku aruursaneysay deegaanka Gumeysidiid si ay weerar u geestaan , waxa uuna xusay in ciidanka fashilyeen weerarkaasi ayna dileen xubno katirsanaa Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa mararka qaar howlgalo ka fuliya deegaanno katirsan gobolkaasi ay joogaan Al Shabaab, waxaana howlgaladaasi inta badan ciidanka dowladda ka sheegtaan guulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Muqdisho oo saakay wax badan ka badelan sidii hore

Cabdi Cade

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Magaalada Garoowe

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo isku bedalay labo kamid ah Golihiisa Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---