Ruushka oo ku jees jeesay booqashadii Madaxweynaha Ukraine ku tagay Mareykanka

Saraakiisha Ruushka ayaa ku jees jeesay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy OO booqanaya b Mareykanka.

Zelenskyy waxa uu sacab ka helay xubnaha Congress-ka safar degdeg ah oo la soo agaasimay Arbacadii ka dib booqashadiisii ugu horreeyay ee uu ku tago meel ka baxsan Ukraine tan iyo markii ay ciidamada Ruushku soo galeen waddanka 24-kii Febraayo.

Saacado ka hor imaanshaha Madaxweynaha, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay xirmo cusub oo ah $ 1.8 bilyan oo gargaar milatari ah.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka digay in ciidamada Zelenskyy oo la siiyo hub aad u casri ah aysan soo afjari doonin iska horimaadka, isla markaana uu kordhinayo oo kaliya iney sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

“Moscow ma aysan maqlin “wicitaano nabadeed oo dhab ah” intii lagu jiray booqashadii Mareykanka ee Zelenskyy waxayna u maleyneysaa in Washington ay go’aansatay “inay si toos ah ula dagaallanto Ruushka “ayuu yiri Peskov.

Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay Ukraine duqeymaha bahalnimada ah ee dhismayaasha la deggan yahay” ee meelaha Ruushku qabsaday ee bariga Ukraine.

Hogaamiyaha ay Moscow ku rakibtay gobolka Donetsk ee qayb ahaan la haysto ee Ukraine ayaa sheegay in duqeymaha Ukraine ay ku qaadeen hotel ku yaal magaalada Donetsk ay ku dhinteen laba qof ayna ku dhaawacmeen dhowr kale habeenkii Arbacada, waxaana dhaawaca ku jira ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Ruushka.

Maantana waxaa qarax baabuur lagu dilay sarkaal maxalli ah oo uu Kremlin-ka u soo magacaabay gobolka koonfurta Ukraine ee Kherson, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Ruushka.

Zelenskyy oo soo gebagebeeyey booqashadii Mareykaka ayaa ka degay Poland isagoo dib ugu soo laabtay Ukraine, sida lagu sheegay xog uu soo dhigay baraha bulshada.

- Advertisement -