Madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar oo TV-ga hadal uga jeediyey shacabka DDSI

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Max’uud Cumar ayaa ka soo muuqday telefishinka ku hadla codka Maamulkiisa ee ESTV, isagoo shacabka degaankiisa ugu baaqay iney xaalada dejiyaan.

Cabdi Max’uud Cumar ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadii manta ka dhacday magaalada Jigjiga iyo degaanada kale ee maamulkiisa, isagoo shacabka xusuusiyey iney ilaaliyaan dhaqankii lagu yaqaanay Soomaalida ee ahaa iney ilaaliyaan nafta iyo hantida dadka iyaga la nool.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dhamaan dadkii ku naf waayey kacdoonkii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga, waxaana ugu baaqayaa shacaba iney xasiloonida ilaaliyaan” ayuu yiri madaxweynaha.

Cabdi Max’uud Cumar oo hadalkiisu aad u koobnaa ayaa u muuqday inuu ka gaabsanayey ka hadalka sababaha keenay rabshadaha iyo xaalada ka taagan jigjiga, waxaana goobta uu ku sugnaa ay u muuqatay mid ka mid ah xarumaha maamulkiisa ee magaalada Jigjiga.

Xaaladda magaalada Jigjiga ayaa caawa xasiloon kadib marki ay saaka magaalada la wareegeen ciidamo ka tirsan milatariga dowlada federaalka Itoobiya.

Arrintaasi ayaa sababtay in rabshado ay ka billowdaan gudaha magaalada, kuwaasoo la sheegay in ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad isugu jira Soomaali iyo Oromo.

Waxaa kale oo la sheegay in la bililiqeystay hanti gaar ah isla markaana la gubay kaniisad ku taalla magaalada Jigjiga, Waxaana soo baxaya warar sheegaya in la jaray korontada, biyaha iyo qadkii internetka ee magaalada taasoo walaac kale dhalisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -