Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo 9 Xildhibaan iyo Hal Wasiir ku darsaneysa daladda dhaqaalaha ee bulshada EAC

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa shalay si rasmi ah xubin uga noqotay Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC), kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania.

Dalalka Bariga Afrika ee ku mideysan daladda EAC ayaa waxa uu dal walbo ku leeyihiin tiro xildhibaano ah iyo wasiir , kuwaa oo dowladahooda ku matelaya daladdan dhowrka waddan ku mideysan yihiin.

Soomaaliya oo hadda si rasmi ah uga mid noqotay daladda Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika(EAC) ayaa laga rabaa in ay kusoo darsado daladdaasi 9-xildhibaan oo ku mateli doona iyo sidoo kale hal wasiir oo isna shirarka daladda ka qeyb gala.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana la filayaa in ay magacawdo 9-ka xildhibaanka iyo wasiirka ku mateli doona daladda EAC, waxaana muddo xileedka xildhibaanadaasi noqoneysaa shan sanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladiisa ayaa dedaal badan galiyay sidii ay Soomaaliya xubin rasmi ah uga noqon aheyd daladda Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana daladdan wax badan ka faa’iidi doona bulshada Soomaaliyeed ay ugu horreeyaan ganacsata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay in dalka la keenayo Talaalka Covid-19 kadib markii uu cudurkaasi sii faafay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Wadahadalo u bilowday (Sawirro)

Cabdi Cade