Laftagareen: “Anigu ma codsan muddo kordhin ee Baarlamanka K/Galbeed ayaa sameeyey”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen ayaa sheegay inuusan isagu dalban muddo kordhinta halka sano ah balse ay iskood u sameeyeen xildhibaanada baarlamanka Koonfur galbeed.

Hadal uu xalay ka jeediyay xafladdiisii ku aadaneyd sanadguuradiisuu 4aad oo xalay ka dhacday magaalada Baydhabo ayuu muddo kororsiga dusha ka saaray Baarlamaanka maamulkiisa.

“Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur galbeed ayaa kordhiyay, haddey berri subax ka laabtaana waxba kama qabo” ayuu yiri Laftagareen in baarlamanka KG uu yahay heyaddii sharci dejinta uuna awood u leeyahay inuu go’aan ka gaaro xaalad kasta oo ka taagan degaanada uu metelo.

Mar uu la hadlayay musharrixiinta iyo siyaasiyiinta Koonfur galbeed ee sameystay isbaheysiga wuxuu Laftagareen sheegay inaysan Baydhabo ka shaqeyn karin ciidan la yiraahdo Badbaadada KG, dadka waxaas faafinayana ay yihiin dad iska ciyaaraya.

“Nin ama qof xanaaqsan waxba kama bedeli karo sharciga iyo nidaamka u yaalla maamulka Koonfur galbeed, shalay baarlamanka ayaa go’aanka muddo kordhinta gaaray, hadii la doonayo in laga laabto waa in baarlamanku soo saaraa go’aan arrintaas la xiriira” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qabtay arrimaha amaanka, dhaqaalaha, gurmadka abaaraha, Caafimaadka, Waxbarashada, ayna fuliyeen afartii sano ee uu xafiiska joogay mashaariic fara badan oo ka hirgalay magaalooyinka iyo degmooyinka Koonfur galbeed.

Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in magacyadii baxay xiligii doorashada Farmaajo sida badbaado Qaran iwm, loo soo raro magaalada Baydhabo “Ninkii doonaya inuu Koonfur galbeed badbaadiyo shabaab meelaha uu ka heysto ee shacabka lagu dhibaateeyo haka badbaadiyo” ayuu nyiri Laftagareen oo si kulul u weeraray siyaasiyiinta diidan muddo kororsigiisa.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA LAFTAGAREEN OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -