Baarlamaanka oo si aqlabiyad leh u Aqbalay Codsigii Ra’isul Wasaare Xamse Barre u gudbiyay

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay codsi uu u gudbiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday xildhibaanada golaha shacabka in muddo toban cisho ah ugu daraan waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada oo dhaaftay mudadii uu horeesay u heestay oo bil aheyd.

Kulanka Xildhibaanada golaha shacabka maanta yeesheen waxaa soo xaadiray 145 Xildhibaan, waxaana codsiga Ra’isul wasaaraha diiday hal mudane, waxaana e ogolaaday 144 mudane, mana jirin xildhibaan ka aamusay.

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in muddo toban cisho gudahood ah kusoo magacaabo golihiisa wasiirada, waxaana socda wadatashiyo Ra’isul wasaaraha ku doonayo in uu kusoo dhiso xukuumad tayo leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -