Fashil lasoo darsay Guddiga Doorashooyinka ee ku xareesan Hotel Decale !!

Guddiga doorashooyinka heer federal ee u badan Nabad sugid, shaqaalaha dowladda iyo taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ee la dejiyay hotel Decale ayaa wali ku jahawareersan waxay tahay shaqada loo qorsheeyay inay qabtaan.

Xunbanaha guddiga oo aan markii horaba loogu tala gelin inay shaqo qabtaan hase yeeshee kaliya qorshaha loo dhisay ay aheyd in waxa la doonayo looga soo meeriyo Villa Somalia ayaa loo sameeyay qof wakiil uga ah madaxtooyada. Abdinuur Maxamed Axmed, oo ku magacaaban ku-simaha agaasimaha guud ee Madaxtooyada ayaa xubnaha guddiga waxuu soo gaarsiiyaa farriimaha ay dooneyso in la dhex marsiiyo.

Fariimmo ay group WhatsApp ku wadaageen oo warbaahinta loosoo dusiyay, kana soo billaabanaya December 01, 2020 ayaa caddeynaya in iyaga dhan ay ka shaqeynayaan sidii loo maareyn lahaa buuqa iyo hadal heynta ka dhalaneysa jadwalka doorashooyinka, shaqa kasta oo laga rabay inay qabtaanna ay ka sugaan Villa Somalia.

Farriimaha ugu horreya kuwa la helay waxay caddeynayaan in subixii ay bisha 12aad kow aheyd ay lasoo jarmaadeen sidii indhaha bulshada looga duwi lahaa dib u dhaca ku yimid jadwalka gaar ahaan doorashada aqalka sare, taas oo ay ka dhalatay in la sameeyo wax lagu abuuri karo hadal heyn, waxayna la wadaageen Cabdinuur oo isna caddeeyay inuu madaxda gaarsiin doono si xal loo helo, waxaana nin lagu magacaabo Mowliid uu yiri, “Hadii aan maanta la qaban shir lagu mashquuliyo baraha bulshada waxay direysaa farriin ku aadan in guddigu shaqeyn waayay ee halla ogaado”

Waqti kooban kadib ayaa Cabdinuur waxuu guddiga usoo diray warsaxaafadeed la doonayo in sidii qorshuhu ahaa bulshada lagu jahawareeriyo waxuuna kahor inta uusan soo dirin uu kooxda usoo gudbiyay qoraal ay ka muuqato in loo soo diray isagaba taas oo u dhigneyd, “ Guddiga inta ku sugan hotel Decale inta ay isu yimaadaan shir ha qabtaan warmurtiyeedka waa la idiin soo diraa ee marka hore si deg deg ah haloo kumlo”, waxuuna raaciyay “madaxda ayaa farriintaan iisoo dhiibtay ee deg deg hala isugu imaado”

Cabdinuur markaas kadib ayuu soo qoray fariintaan, “Cabdijibaar waad iga heysaa warsaxaafadeedka kala kicihee aniga howsheyda waan kasoo dhamaaday. Anigaa u qeybinaya dhammaan group yada WhatsApp ka warbaahinta maqan gaarsiinayo waxaana dhamaan lasoo dhigayaa facebook marka shirka aad soo dhmeysaan iisoo sheega”

Mowliid oo kamid ah xubnaha guddiga, kana walwalsan sida ay wax u socdaan ayaa yiri, “ Runtii sidaan macquul maaha in xitaa aanan ka war heynin habraacii doorasho ee la dejiyay, waxay muujineysaa inaan guul darreysannay, awal hore mucaaradka ayaa na heystay hadana dib u dhaca ayaa noogu darsoomay ee aan sidaan wax ka bedelno”

Cabdinuur oo ay degdeg ka muuqato ayaa Mowliid ugu jawaabay, “Horta Warsaxaafadeedka kala tuura si aysan mucaaradka nooga faa’iideysan. Madaxda ayaan ku laabanayaa sida doorashsada aqalka sare aan degdeg ugu qabanno. Waxaan madaxda kala tashanayaa in jadwal cusub ay noo soo gudbiyaan, markaas ayaan kun dhawaaqeynaa jadwalka cusub”

Xubna guddiga oo ay kamid yihiin dad ka shaqeyn jiray sida hadal heyn loo abuuro iyo sida bulshada loo dejiyo ayaa wali waxay ku howlanyihiin sidii ay maalin kasta ula macaamli lahaayeen bulshada diiddan sida Villa Somalia u wado iyo dib-u-dhaca xariirka ah ee ku imaanaya doorashada, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa looga dhigayaa dad wax qaban kara oo go’aamin kara masiirka malaayiinta Soomaalida ah.

- Advertisement -