Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiir uu xil gudasho la’aan ku eedeeyay

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee maamulka Hirshabeelle Mudane Shuceyb Xasan Maxamed.

Wareegtada uu soo saaray madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, waxaana wasiirka xilka laga qaaday ku eedeeyay Madaxweynaha xil gudasho la’aan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa marar badan xil ka qaadis ku sameeyay xubno katirsan golihiisa wasiiradda oo la sheegay in ay isku dhaceen madaxweynaha iyo xubno kale oo ku dhaw dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeray Qeybta 21-aad ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan Ismail Ali Mohamed (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble oo ka hor yimid talaabo uu qaaday Wasiirkiisa Arrimaha dibeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---