Taliyaha ciidanka XDS oo kormeeray Qeybta 21-aad ee Dhuusamareeb (Sawirro)

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo ku jira safar uu maalmahan ku marayo xarumaha Ciidanka Xoogga dalka ee degaanada Galmudug ayaa maanta soo gaaray Xarunta Taliska Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa uu kormeer ugu tagey ciidamada dhulka ee fadhigoodu yahay xeradaas, Taliyaha ayaa  ku soo wareegay xafiisyada Taliska iyo rugaha ciidamada Xoogga Dalka ee Magaalada Dhuusamareeb oo haatan ah caasimada Galmudug .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga, Saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad sida Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/llaahi Cabdi (Qooje), Taliyaha Guutada 15-aad General Mascuud Maxamed Warsame iyo Genaral Saalax Yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad, cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga ayuu taliyuhu salaan sharaf ka qaatay isagoo intaa kadibna dardaaran u jeediyay Ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -