Spain Oo Laga Yaabo In Laga Saaro Koobka Aduunka 2018 iyo Sababta ka dambeysa

Ka qeyb galka Spain ee koobka Aduunka 2018 ayey cabsi soo wajahday kadib markii hay’adda ugu sareysa kubadda cagta FIFA ay digniino ka dhan ah iney la falgalaan siyaasadda u direen xiriirka kubadda cagta dalkaas.

FIFA ayaa ku wargalisay xiriirka kubadda cagta Spain hadii ay sii wadaan la falgalka ay dowladda la falgaleyso doorashada soo aadan ee lagu caleema saari doono madaxa ugu sareeya xiriirka ay ka dhalan karto ganaax ay ku weynayaan koobka Aduunka ee Russia lagu balansan yahay bartamaha sanadka soo aadan.

Xiriirka kubadda cagta Spain waxaa hogaaminaya Juan Luis Larrea kaas oo xilka sii hayaha hayay ilaa bishii July, madama madaxii hore xiriirka Angel Maria Villar lagu qasbay inuu iska casilo xilka kadib eedeymo musuq-maasuq oo kusoo baxay.

Iyadoo soo jeedinta doorashada cusub aan wali lasoo banaan dhigin, hadana Golaka Isboortiga Qaranka Dowladda Spain la xiriireen xiriirka kubadda cagta [RFEF] iyagoo kala hadlaya codeynta ugu dambeysa ee looga guuleysanayo Villar.

Sida lagu qoray shabakadda El Pais, FIFA ayaa xukun kasoo saari doonta faragalin walba oo ay dowladda Spain ku sameyso doorashada lagu balansan yahay dhawaan.

“Xubin walba waa iney si xoriyad leh u maamusho arimaheeda isla markaana ay hubiyaan ineysan wax faragalin ku sameynin gacan sadexaad”

FIFA ayaa ganaaxi karta xubin walba iyo qaran walba hadii xiriirkooda kubadda cagta uu la falgalo cadaadiska siyaasadda.

Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -