Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u fidiyay Maxaabiis kana bixiyay lacago lagu lahaa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Maxaabiista uu cafiska u fidiyay madaxweyne maamulka Koonfur GalbeedĀ  Laftagareen ayaa ahaa kuwa galay dambiyo fud fudud iyo kuwa loo soo xiray lacago deyman ah oo lagu lahaa oo ay iska bixin waayeen .

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaana shaacisay in Laftagareen cafis madaxweyne u fidiyay maxaabiistan munaasabadda sannad guurada 4-aad awgeed, waxa ayna sheegtay in madaxweynaha bixiyay lacago deyman ah oo lagu lahaa maxaabiista qaar.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmo kaddib waxa uu u dabaaldegayaa sannad guuradii afaraad ee kasoo wareegtay markii la doortay, waxaana ku eg muddo xileedkiisii rasmiga ahaa, inkastoo uu sameestay muddo kordhin aan raali laga aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo doonaya inuu hal arrin kaga faaiideysto guusha kiiska Badda

Caydiid Ali

Sidee dowladda ka yeeleysaa Malaayiinta Dollar ee Al shabaab laga xayiray?

Cabdi Cade

Ciidanka Ruushka oo kaabiga ku haya Magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---