Madaxweyne Deni oo la Heshiiyay qaar kamid ah Ururada Siyaasada iyo Saddex Urur oo kahor timid

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaar ah magaalada Garoowe  kula qaatay qaar kamid ah ururada Siysadadda ee ka jira Puntland, kuwaa oo dhawwaan soo saaray qodobo ay ku diidan yihiin doorashada dhaceysa.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Deni iyo madaxda Ururada uu la kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen qodobo ay horey u soo gudbiyeen ururada isku diiwaan galiyay ka qeyb galka doorashada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo madaxda ururada uu la kulmay ayaa ka heshiiyay qodoba ay dhowwaan ay soo jeediyeen ururrada oo ku saabsan xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland lagu wado in ay ka dhacdo.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka ka dhacay Garawe ay ka maqnaayeen  saddex urur siyaasadeed oo waa weyn ay ku jiraan ururada Horseed iyo Mideeye, waxaana la sheegay in ururadan ku qanci waayeen hannaanka loo wajahay wadahadalka.

War-saxaafadeed ay soo saareen ururada aan ka qeyb gelin kulanka ka dhacay Garawe ayey ku eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne deni inay fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo.

Ururadan warka soo saaray oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan deegaanada Puntland ayaa ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -