Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday Wiil dil iyo kufsi u geestay gabar 17-sanno jir

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda Hirshabelle ayaa maanta xukun dil ah ku riday nin dhallinyaro ah oo lagu helay in fal isugu jiray dil iyo kufsi duleedka magaalada Jowhar ugu geestay gabar da’yar ah.

Mohamed Dahir Cali ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ku heshay in dil bareer ah iyo kufsi u geestay Caasho Cabdullaahi Maxamed oo aheyd 17-sanno jir ku nooleyd deegaan dhaca duleedka magaalada Jowhar.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaana wiilkan dilka iyo kufsiga geestay ku xukuntay dil toogasho ah oo qisaasta Caasho Cabdullaahi sida uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha maxkamada ciidamada qeybta 27-aad gaashaanmle Maxamed Aamiin Aadan .

Ciidamada booliiska ayaana ku guuleestay ninkan dilka iyo kufsiga geestay in ay gacanta kusoo dhigaan xilli uu baxsad ku jiray, waxa ayna ciidamada booliiska kiiskan ku wareejiyeen maxkamadda ciidamada oo ugu dambeyn xukun ku riday gacan ku dhiiglaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -