Miisaniyad Sanadeedka Maamulka Hirshabelle oo maanta la ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Xukuumada ee maanta ayaa ugu horeyn lagu dhaariyay xubno kamid ah golaha Wasiirarda iyadoo kulankaan looga hadlay howlgallada kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle,

Madaxweynaha ayaa golaha uga waramay howlagalada socda ee lagu ciribtirayo kooxda khawaarijta ah iyo socdaalkii uu kusoo maray dhamaan deegaanadii laga xureeyay cadowga isagoo faray Wasaaradaha Dowladda in deegaanada la xureeyay la gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah ee lagu horumarinayo deegaanadaas.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixinno uga dhageystay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Gargaarka, Diinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Tamarta iyo Haweenka,

Golaha Wasiiradda cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka Dowladda ee 2023 oo dhan 24, 957, 853.70 dollar.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo guulo muhiim ah kasoo hoyay ee dagaalka ay kula jiraan cadowga khawaarijta ah.

- Advertisement -