RW Xamse oo dhagax dhigay dhismaha garoonka dayuradaha Aadan Yabaal (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Hamza Abdi Barre oo maanta booqday degmada Aadan yabaal ee gobolka Sh/dhexe oo ka hadlayay meel fagaare ah ayaa sheegay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Al-shabaab uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naftiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo iyo in lagu badbaadiyo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta sida uu yiri ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.

Degmada Aadan Yabaal oo laga xorreeyay Alshabaab toddobaad ka hor, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu maanta waxa uu dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha degmada oo si degdeg ah loo dhisi doono.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay hey’adda Maareynta Masiibooyinka ee SODMA ay gaarsiineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu talagalay 4000 kun oo qoys iyo daawooyin,  isla markaana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarashada iyo caafimaadka ee degmada Aadan Yabaal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay degmada Aadan Yabaal oo toddobaadkii hore laga xorreeyay kooxaha Khawaariijta, ayaa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -