Biyo Mareen looga saarayo biyaha Fariista Warta KM-4 oo xariga laga jaray (Sawirro)

Gudoomiyha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayaa maanta Xariga ka jaray Biyo Mareen loogu talagalay in biyaha Fariista Warta km 4 looga Saaro .

Warta KM-4 ayaa waxaa mar walbo fariista biyaha roobka, waxaana xiliyada qaar marka ay wartu buuxsantu biyaha fariistaan Laamiga gaar ahaan Koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaana hirgaliyay biyo mareen cusub oo loogu tala galay in biyaha looga saaro warta KM-4, waxaana biyo mareenkan maanta xariga ka jaray Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa laheyn biyo mareen, waxaana inta badan biyaha roobka ay fadhiistaan laamiyada iyo wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho taa oo wax u dhinta bilicda iyo nadaafada caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -