Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo Fariin hambalyo ah u diray Xulka Moroko

Xulka kubadda cagta ee dalka Morooko ayaa guulo waa weyn ka gaaray koobka kubadda cagta adduunka ee ka socda dalka Qatar, waxa ayna caawa ciyaar adag wajahayaan xulka Faransiiska oo haddii ay ka badiyaan ku gaarayaan Fiinaalka koobka adduunka.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa farriin hambalyo ah u diray xulka kubadda cagta ee Moroko oo gaaray afar dhammaadka koobka adduunka, waxa uuna boggaadiyay dadaalka ay muujiyeen ciyaartoyda xulka qarankaasi.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa telefoon u diray boqorka Morocco, isagoo ku boggaadiyay guushii ay kooxda dalkiisa kasoo hoyisay ciyaartii rubac dhammaadka.

Moroko oo noqday dalkii ugu horeeyay oo Afrikaan iyo Carab ah oo gaara semefinaalka koobka adduunka ayaa caawa dhigi kara taariikh kale oo xiiso leh, haddii ay ka gudbaan Faransiiska waxa ay tagi doonaan fiinaalka koobkan.

Dalka kaliya aan laga badin ilaa hadda ciyaaraha koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa ah xulka Moroko, waxaana kaliya laga dhaliyay xulkan intii ay ciyaaraha socdeen hal gool, taa oo ka dhigeysa kooxda ugu difaacashada fiican koobkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -