Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foste (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xafiiskiisa magaalada Baydhabo ku qaabilay safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Kate Foster.

Laftagareen iyo Danjire Kate Foster ayaa kawada hadlay sare u qaadida tababarada ay siiyaan ciidamada iyo qalabaynta booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si ciidamada uga shaqeeyaan amniga deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Kulanka dhax maray madaxweyne Laftagreen iyo danjiraha dowladda Uk ayaa looga hadlay hormarinta mashariicda Uk ka fulineyso Koonfur Galbeed iyo maageerida la Dagaalanka kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen oo xaalad siyaasadeed iyo go’doon xilligan wajahaya ayaa wada kulamo uu la qaadanayo wakiillo katirsan beesha caalamka uu taageero uga raadinayo maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -