Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynah oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bokool.

Masuuliyiin kala gedisan oo ka hadlay Xafladda soo dhoweynta ayaa dhammaantooda codsaday in degaannada Gobolka si deg ah loogu dulqaado argagixisada, waxayna xuseen ay ku biiraan dadaalada dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, isagoo la hadlaayay Shacab weyne tira badan ayuu u sheegay in Dowladda diyaar u tahay xorreynta ka qeyb qaadashada iyo taageerada Xukuumadda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday in la hirgelin doono magaalada Xudur adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah, waxa uuna shacabka Xudur ugu baaqay in dowladda taageeraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka labada aqal oo Qoraal Wadajir ah ku Magacabay guddi loo xil saaray..

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu yahay shirka caalamiga ah ee Somalia kaga qeyb galayso dalka Vietnam?

Caydiid Ali

Ex-Madaxweyne Ku-xigeenkii Kenya oo fagaare ka sheegay hadal Soomaalida ka yaabiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---