Maxay Cali Guudlaawe & xubnaha la socday ku soo arkeen degaanka Guulane? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Guulane oo dhowaan laga xureeyay kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulshada deegaanadaan ugu baaqay inay u soo qalab qaataan dagaalada lagu ciribtirayo Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga xoreynayo kooxda alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaanka Guulane loona baahan yahay in la dhameystiro firxadka Alshabaab.

Cali Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee u taagan ciribtirka Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -