Dad ay Soomaali ku jiraan oo Dib u beeraya Kaymihii ku gubtay dalka Turkiga

Shacabka Carbeed ee ku nool dalka Turkiga waxay la yimaadeen Hal-Abuur ay isku garab taagayaan Shacabka dalkaasi, kadib, markii uu dabku xaalufiyey dhul-kaymeedkii ku yaallay Koonfurta iyo K/bari ee dalkaasi.
 
Jaalliyadaha Carbeed waxay dhisteen Guddiga Sare ee Jaalliyadaha Carbeed, kuwaasi oo ururin doona Tabarucaada dib loogu beeri doono 100,000 oo geed.
 
Jaalliyadaha Carbeed ee Isku xilqaamay dib u dhiraynta Kaymihii ku gubtay Turkiga waxay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Sudan, Lubnaan, Algeria, Yemen, Masar, Falastiin, Syria, Morocco, Urdun, Tunisia iyo Libya.
 
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaalliyadda Lubnaan ee ku sugan Turkiga, Dr. Wasiim Karaaki oo la hadlay Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay in 12 Jamciyado rasmi ah oo wakiil la ah Jaalliyadaha Carbeed ee ku nool Turkiga ay ka qeyb galayaan Ololaha Ururinta Tabarucaada dib u dhiraynta Kaymihii gubtay.
 
Waxa uu intaasi ku daray in Fikradda Ololahaasi loogu dan leeyahay in dhul cagaaran oo doog ah laga dhigo dhulkii Kaymaha ee uu dabku baabi’iyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -