Ganacsade caan ah oo lagu dilay Caabudwaaq iyo faahfaahino ka soo baxaya

Maleeshiyaad hubeysan ayaa Bartamaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud galabta ku dilay Nin Ganacsade caanka ahaa.

Maxamuud Cabdinuur ayaa lagu dilay Kaalin Shidaal oo uu ku lahaa Xaafada Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq ka dib markii ay rasaas ku fureen Maleeshiyaad  hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Dilkan ayey wararka qaar sheegayaan inuu salka ku hayo arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq.

Ciidamada booliska degmada Caabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoo baadi goobayay raggii ka dambeeyay dilkaas inkastoo aysan ku guuleysan

Weli Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kama hadlin dilka Ninka Ganacsada ah loogu geystay degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -