Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray magaalada Xudur si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada oo Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dadka u diiday xornimo inay ku noolaadaan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Gudoomiye Degmo oo lagu jirdilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

FARXAD MISE KHATAR AAMUSAN..?! (Soomaaliya iyo Maalmaha Ciida)

Caydiid Ali

Duqeyn culus oo caawa ka dhacday Degaanka Daaru-Nimca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---