Degaanka Daaru-Nimca ee gobolka Sh/dhexe oo ay gacanya ku hayaan xoogaga Al shabaab ayaa waxaa ka dhacday caawa duqayn culus oo ay fuliyeen dayuurado dagaal.
Duqeynta ayaa lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al shabaab oo ku sugan gudaha magaalada.
Ilaa laba gantaal ayaa lagu dhuftay gudaha magaalada, waxaana wararka sheegayaan in lagu beegsaday baabuur dagaal oo kooxda al shabaab ay lahaayeen.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay duqeyntan sida ay sheegayaan wararka degaankaas naga soo gaaraya hase ahaatee tirakoob sax ah lagama hayo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhintay duqeynta uu ku jiray sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al shabaab
Saacado ka hor ayey aheyd markii Duqayn diyaarad lagula beegsaday gudaha degaanka Ceel-Bacad ee gobolka Sh/dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in duqaynta lagu dilay sarkaal ka mid ahaa kooxda oo lagu magacaabo Yuusuf Dhignaas.
Ceel-Bacad ayaa u dhow xaduudka kala qaybiya Shabeelada dhexe iyo Galgaduud.
Abaabul dagaal oo xoog badan ayaa ka socda  gobolka Shabeelada dhexe kaasoo lagu wajahayo duulaanka ay kooxda al shabaab soo qaaday oo ay dib ugu soo laabatay degaano badan oo horey looga saaray, waxaana abaabulkaas wada dowlada Somalia iyo beelaha gobolka ku dhaqan.