Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Degmo oo lagu jirdilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Ciidamo katirsan ilaalada aqalka dowlada Hoose ee Xamar ayaa lagu soo waramayaa in jirdil u geesteen Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey).

Sida aan wararka ku helnay ilaalada Gudoomiyaha degmada Warta Nabada iyo ilaalada xarunta dowlada hoose ee Xamar ayaa isku dhacay, taa oo markii dambe keentay in qoray baadkiisa lagu dhufto Gudoomiyaha Warta Nabada.

Dad ku dhaw dhaw Gudoomiyaha degmada Warta Nabada ayaa warbaahinta u sheegay in Seynab jirdilkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay loona qaaday isbitaal xaaladeeda lagula soconayay.

Xaalada gudoomiyaha Warta Nabada ee jirdilka loo geestay ayaa lagu soo waramayaa in hada wanaagsan tahay, waxaana la xiray sida wararka ku helnay askartii jirdilka u geestay Gudoomiyaha iyo kuwii uu ka bilowday rabshada.

Gudoomiyaha Warta Nabada oo kamid aheyd dadkii ku dhaawacmay qaraxii sanad kahor ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa xiliga jirdilka loo geesanayay u socotay ka qeyb galka munaasabad loogu duceenayay masuuliyiintiii ku dhimatay qaraxaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre iyo Shariif oo taageeray Go’aanka Axmed Madoobe Digniin culusna diray

Cabdi Cade

Hub iyo gaadiid Dagaal oo lagu qabsaday Weerarkii Janaay Cabdalle oo lasoo bandhigay (Sawirro_

Cabdi Cade

Wasiir Dubbe: “Fanaaniin ay ku jirto Nada Al-Ghala ayaa raba iney ka heesaan Tiyaatarka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---