RW Itoobiya oo war lala fajacay ka soo saaray shidaalka laga helay degaanka Soomaalida

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas.

Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ka jawaabay su’aal ahayd “Dhinaca deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa la iga weydiiyey dad badan oo shacabka dambiya ka galay ay jiraan maxaad ka damacsan tihiin, oil and gas iyo arrinta deegaanka shidaalka laga helay iwm?”.

Dr Abiy ayaa ku jawaabay “Walaalaheen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goobood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

“Sababta oo ah kunki sano ee la soo dhafay iyo 60 sana ee ugu dambeeysay ee shidaalkan la baadhayeyba shidaalkaas inu biya yahay inuu ciid yahay lama ogeyn.Hadda marka uu wixi uu shidaal noqday haddii aan dhahno dhulkeyga ayaa laga helay iyo waxyaaba noocaa natiijada ka dhalan karto waa inaan isleyno oo keli ah taana wax faa’ida ah malahan” ayuu intaasi ku daray ra’isulwasaaraha.

“Hase yeeshee, iyadoo aan degaanka Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo degaan kasta 5-10% waxa lagu horumarinayaa deegaanka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caadi ah oo ay ku dhaqmaan waddama badan oo ka tirsan Afrika” ayuu yiri hadalka abiy oo aad uga fajiciyey dadkii dhegeysanayey.

Hadalka Abiy ayaa khilaafsan hadal uu horey u jeediyey Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo horey uga hadlay qoondada uu deegaanka ku leeyahay shidaalka, wuxuuna sheegay in sharciga federaalku uu dhigayo in shidaal haddii uu soo baxo, ama kheyraad kale in degaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -