Askari Meydkiisa laga helay duleedka Guriceel iyo faahfaahino ka soo baxaya

Meydka nin dhalinyaro ah oo xiran direyska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lasoo dhigey halka lagu magacaabo Laanle oo duleedka ka ah Guriceel.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninkan ay tuhmayaan in laga soo qaaday gudaha magaalada, laguna dilay goob kale la soo dhigay halkaas gabal-dhicii maanta.

Meydka askarigan ayaan illaa hadda la aqoonsan, waxaana jirkiisa ka muuqdo dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday

Falkan ayaa ku soo aadaya xili dhowaan xoogaga Ahlu suna ay dib u qabsadeen degmada Guriceel oo ay horey gacanta ugu hayeen maamulka Galdumudug, taasoo dhalisay xiisad dagaal oo labada dhinac u dhexeysa taasoo aan weli xal loo helin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -