(Sawirro) Cali Guudlaawe oo dhagax dhigay Isbitaal cusub oo laga dhisayo Moqokori

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta dhagax dhigay Isbitaal cusub oo laga hirgalinayo degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabada lagu dhagax dhigayay cusbitaalka waxaa ka qeybgalay Xubnaha labada gole ee Dowladda, Gudoomiyasha Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhismaha cusbitaalkaan uu wax badan ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada moqokori.

Waxaa uu bulshada iyo waxgaradka degmada ugu baaqay inay ka qeybqaataan dhismaha cusbitaalkaan iyo hirgalinta adeegyada kale ee muhiimka u ah degmada.

Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolada dhexe oo dhowaan laga saaray kooxda Al-shabaab oo muddo dheer ka talieysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -