Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Raisul Wasaare Khayre oo amarkii ugu horeeyey ka bixiyey Garoowe

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii shalay ee magaalada Garowe waxay isla garteen in la sii daayo maxaabiis Soomaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxa uu sheegay in Khayre uu amar ku bixiyay sidii loo sii deyn lahaa maxaabiistaasi, kadib markii ay ka wada hadleen isaga iyo Madaxda Puntland.

Arrintan ayaa inay dabagal ku sameeyaan waxaa loo xil saaray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Wasiirka Cadaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo maxaabiista ku xiran halkan, wuxuuna hawshan u xil saaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka iyo Wasiirka Cadaaladda, sii deysmada maxaabiistan waxaa loo marayaa hanaankii lagu soo daayay maxaabiistii dibadda” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiisha Dowlad degaanka Soomaalida oo digniin adag u jeediyey shacabka

Caydiid Ali

Diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay oo bur burtay iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka carrooday go’aan ay soo saartay maxkamadda Yurub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---