Madaafiic khasaare geysatay oo lagu weeraray degmada Balcad

Madaafiic la aaminsan yahay iney soo rideen xoogaga Al-Shabaab ayaa xalay ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Warka ayaa intaa ku daraya in madaafiicdan oo ahaa nooca loo yaqaano hoobiyeyaasha ay tiradoodu gaareysay illaa afar, lamana oga halka laga soo riday.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah, labo ka mid ahna ay hal qoys ka soo wada jeedaan ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen duqeyntaas oo argagax gelisay shacabka degmadaas.

Marka laga reebo hal madfac oo khasaare geystay, saddexda kale waxay ku habsadeen dhul banaan oo ku yaalla xaafada Xaawo taako ee degmada Balcad, mana jiro wax khasaare ah oo ay geysteen.

Goobaha ay ku soo dhaceen madaafiicdan ayaa waxaa ku dhow fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Balcad, waxaana la aaminsan yahay in iyaga loola dan lahaa.

Waa markii ugu horeysay ee madaafiic noocan ah ay ku soo dhacaan gudaha degmada Balcad, maamulka degmadaasna illaa hadda wax war ah kama soo saarin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -