Qarax xooggan oo lagu weeraray xarunta Gobolka Banaadir iyo rasaas la maqlayo

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka shabakadda Allbanaadir ayaa sheegaya in qarax xooggan goordhaw lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kaddib la maqlayaa rasaas culus.

Masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir oon la hadalnay ayaa sheegay in qarax lagu dhuftay darbiga xarunta maamulka gobolka , waxa uuna sheegay in qaraxa kaddib maqlayaan rasaas culus oo aysan ogeyn waxa ay tahay iyo cidda rideysa.

Lama oga ilaa hadda in xarunta maamulka gobolka Banaadir ay galeen dabley hubeesan iyo in kale , waxaana goobtaasi gaaray ciidamo badan oo dowladda katirsan kuwaa oo qaarkood rasaas ridayaan .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa dalka ka maqan, waxaana xarunta xilliga qaraxa dhacayay ku sugnaa qaar kamid ah guddoomiye kuxigeennada maamulka gobolka Banaadir iyo shaqaale badan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -