Baarlamanka Isbedel-doonka Jubbaland oo Kismaayo ku doortay guddoon cusub

Baarlamaanka Golaha Isbedeldoonka ee ay ku midoobeen mushararixiinta iyo Odayaasha ka horjeeda Axmed Madoobe ayaa galabta Kismaayo ku doortay Guddoon cusub.

Kulan ay yeesheen Baarlamaanka mucaaradka ee Jubbaland ayaa Guddoomiye loogu doortay Mudane Ibraahim Nuur Xasan, waxaana doorashada ka qeyb galay Baarlamaanka Isbedel doonka Jubbaland oo ka kooban 75 xildhibaan, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka qaarkood

Baarlamaankan iyo guddoonka uu doortay ayaa noqonaya kii labaad ee maanta lagu doorto magaalada Kismaayo iyadoo guddoonkii Baarlamaankii hore ay dib u doorteen Baarlamaanka Jubbaland Garabka Axmed Madoobe oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa u muuqata iney cagta saartay wadada fowdada, waxaana laga cabsi qabaa in xaalada Kismaayo ka taagan ay isu bedesho gacan ka hadal maadaama maamulka Jubbaland uu lugaha la galay qas iyo jahwareer siyaasadeed oo aan la saadaalin Karin cawaaqibka ka iman kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -