Somalia oo geeska Afrika ku meteleysa shirka caalamiga ah ee GPE (Sawirro)

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir , oo magaalada Paris uga qayb galay shirka Golaha Sare ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (Global Partnership for Education – GPE).

Dowlada Soomaaliya oo xubin ka ah ururkan aya sidoo kaleĀ  sanadkan shirka golaha ku matalaysay Gobolka geeska Africa iyadoo si weyn looga doodayĀ  qorshaha waxbarasho isbeddel abuurta.

Soomaaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada ugu hooseeyaĀ  dhanka helitaanka fursadaha waxbarashada ayaa waxaan fursado waxbarashaho helin in kaĀ  badan 4 milyan oo caruur Soomaaliyeed ah.

Golaha GPE oo uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee Tansaaniya Mudane Kikwete, ayaa bogaadiyay dadaalada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare , iyagoo ballanqaaday inay si weyn u garab istaagayaan dadaalada horumrinta Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS, Mudane Farah Sheikh Abdulkadir ayaa shirkaas ka sheegay dedaalka dowladu ugu jirto horumaarinta waxbarashada ubadka iyo caqabadaha ka heysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -