Allbanaadir.com
NEWS

Dab lagu dhamaaday oo qabsaday Suuq ku yaalla Magaalada Davao (Daawo Sawirro)

Ku dhowaad 50 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku geeriyoodeen dalka Philippine ka dib markii uu dab ka kacay Suuq laga dukaameysto oo ku yaalla koonfurta magaalada Davao.

Kooxaha dab damiska ayay ku qaadatay in ay damiyaan dabkaasi saacado, waxa uuna ka bilowday dabaqa saddexaad ee dhismaha shaqaalihi ku sugnaa ay ku xayirmeen.

Booliska ayaa sheegay iney baarayaan sababta dabkan kicisay, iyadoo Madaxweynaha dalkaasi Rodrigo Duterte uu booqday dhismaha uu dabku qabsaday waxaana uuna la kulmay qoysaska  dadkooda la raadinaayey.

Ku xigeenka duqa magaalada Davao Paolo Duterte, oo ah wiilka Madaxweynaha ayaa sheegay in fursadda ay ku badbaadi karaan dadka ku xayiran gudaha ay aad u yartahay, dabka oo aad u xoog badan awgeed, ayna sameynayaan dedaalo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Xildhibaan sheegay in Puntland aysan aheyn sida Waqooyiga Kuuriya

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka “World Governments Summit” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---