Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Qarax xooggan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa goor dhow ka dhacay degaanka Km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Warka ayaa intaa ku daraya in qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay lala beegsaday gaari nooca raaxada ah  oo halkaas marayey.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ruux  oo ka tirsanaa dadkii gaarigaas saarnaa ay ku naf waayeen qaraxan, halka labo kale ay ku dhaawacmeen.

“Dadka dhimashada iyo dhaawacu soo gaareen dhamaantood waxay la socdeen gaari nooca raaxada ah oo qaraxu uu haleelay, waxaana hor socday gaari Cabdi bile ah oo loo malaynayo in qaraxasaa loola dan lahaa balse lala waayey” ayuu yiri goob jooge ka gaabsaday magaciisa oo saxaafada la hadlay.

Warar soo baxay goor dambe ayaa sheegaya in dadka la socday gaariga la qarxiyey ee dhimashada iyo dhaawacu gaareen ay ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Qaraxyada ciidamada dowlada lagula beegsanayo wadada isku xirta Muqdisho iyo afgooye ayaa mudooyinkan ku soo badanayey jidkaas, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii shan askari oo midkood uu ahaa sarkaal ay ku dhinteen qarax gaari ay wateen lagula eegtay isla degaanka maanta qaraxu ka dhacay ee Km13 ee duleedka magaalada Muqdisho. waxaana ka soo horeeyey qaraxyo kale oo isla wadadan ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -