Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Riyadh (Sawiro)

Madaxweynaha Somalia  Xasan Shiikh Maxamuud  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saqdii Dhexe xalay ka degay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha King Khalid International Airport ee ku yaalla Sacuudiga ee Riyadh.

Xasan Sheekh waxa uu ka qeyb geli doonaan Shirweynaha Iskaashiga iyo Horumarinta ee Shiinaha iyo Dowladaha Carbeed (Arab-China Summit for Cooperation and Development), kaasoo ka furmi doona Riyadh.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Amiir Maxamed Bin C/Casiis oo ah Ku-xigeenka Amiirka Gobolka Riyadh, Danjiraha Sacuudiga u jooga Somalia, Ambassador Axmed Al-Mowalad iyo Danjiraha Somalia u jooga Sacuudiga, Ambassador Saalim Macow Xaaji.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa xalay ka dhoofay dalka Jabuuti oo uu shalay kaga qeyb galay aroos weyn oo loo dhigay gabar uu dhalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle iyo Xildhibaan Saadaq John oo ka tirsan baarlamanka Somalia kaasoo ay ka qeyb maax fara badan oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -