Taliye Mahad Salaad oo amar culus soo saaray ka dib dilkii loo geystay Bakaal Kooke

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaasoo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida Taliye Bakaal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga ciribtirayo Al-shabaab laguna beegsanayo saraakiishooda uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka sida uu yiri.

Taliyihii ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka NISA ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq ee gobolka Gedo. Wararka ayaana sheegaya in Bakaal Kooke Qaraxa loogu xiray gaarigiisa.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee la soo dhaafay wuxuuna ka mid ahaa saraaklishii firfircoon ee NISA, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

 

- Advertisement -