Al Shabaab oo shaacisay in Ciidamo Talyaani ah ku dileen Qaraxii Muqdisho

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Isgooska Kuliyada Jaalle ee magaalada Muqdisho ku dileen saraakiil iyo ciidamo kasoo jeeda dalka Talyaaniga.

Afhayeenka howlgalada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee lala eegtay kolonyo ay wateen Ciidamo Talyaani ah lagu dilay afar Sargaal oo Talyaani ah.

“Muqdisho  camaliyad istish-haadi ah ayay Mujaahidiintu la eegteen kolonyo melleteri oo ka socotay waxa loogu yaqaan Midowga Yurub gaar ahaan Talyaaniga,kolonyadaas waxay mareysay Jidka warshahadaha halkaas ayuu mujaahid istish-haadi ah wuxuu beegsaday gaari kolonyadi katirsanaa dhammaan gaarigaas meeshaas ayuu cardiiqaha ku noqday oo wax dhaawac ah majiraan halkaas ayayna ku halaagsameen tirada ka dhimatay inta aan xaqiijinaya waa 4 sarkaal talyaani ah” ayu yiri Abuu Muscab.

Al Shabaab ayaa ku eedeesay dowlada Talyaaniga in taageero iyo tababaro siiyaan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -