Arooskii qarniga ee Kulmiyey Madaxda Somalia iyo Somaliland oo ka dhacay Jabuuti (Sawirro)

Xildhibaan Jen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa maanta la aqal galay gabadha Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar geelle, waxaana xafladda Meherka ka qeybgalay madax miisaankoodu culusyahay oo ka kala socotay Somaliland, dowlad goboleedyada dalka, Jabuuti iyo dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha Somalia oo metelayey xubnaha ka socday wiilka ayaa weydiistay qoyska gabadha iney siiyaan gabadha Heybadi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Somaliland oo abti u ah marwo Heybado ayaa ku dhawqqay iney gabadhooda siiyeen Saadaq John oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Arooskan oo lagu tilmaamay kii qarniga ayaa mideeyey Soomaalida oo dhan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ayaa ka qeybgalay munaasabad nikaax oo si heesare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -