Dowlada Somalia oo eedeymo culus u jeedisay dhigeeda Kenya iyo Jabuuti

Dowlada Somalia ayaa u digtay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay inay wadaan qorshe ka dhan ah madax banaanida Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay wadaan qorshe ay qoddobo gaara doonayaan inay ugu daraan bayaanka ka soo bixi doona Xaaladda Soomaaliya, kadib shirkii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika uu maanta ka yeeshay yeeshay xaalada Somalia.

“Ma aqbaleyno in Dowlado xubno ah Guddiga oo xurguf Siyaasadeed kala dhaxeyso Soomaaliya ay u adeegssadaan ku xadgudubka madax bannaannida dowladda jamhuurioyadda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo qoraal ka akhrinayey Bayaanka.

“Ururada annu xubnaha ka nahay, Dibloomasiyiinta shisheeye iyo dalalka aannu leenahay xidhiidhada diblomaasiyadeed waxaan si cad u sheegaynaa in xeerarka kasoo baxa Barlamaanku ay yihiin Go’aanka u dambeeyay ee sharciga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, xukuumaduna ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas dastuuriga ah” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Federaalka u yahay Hay’adda ugu sareysa dalka oo aan waxba laga bedeli karin go’aanadiisa, iyadoo arrintani cadeyneyso inuu difaacayo muddo kororsigii baarlamanku u sameeyey Farmaajo.

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay xaalada Somalia waxaana laga cabsi qabaa in Goluhu dalbado dib ugu laabashada wadahadalkii Heshiiska Doorashada, taasoo meesha ka saareysa Muddo kororsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -