Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo saakay ka ambo baxay magaalada Hargeysa ayaa gaaray caasimadda dalka Jabuuti.

Muuse Biixi iyo wefdiga la socday waxaa si diiran madaarka magaalada Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey Ra’isal wasaaraha dalka Jabuuti, Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo masuuliyiin kale oo dowladda Jabuuti katirsan.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.

Dalka Jabuuti waxaa horey ugu sii sugnaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana maalmahan socday dedaalo lagu doonayay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Maxamed Cusmaan Qalaafow (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo casho sharaf u sameeyay Marti Caalami ah oo ku sugan Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo Shaacisay in ay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsata Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---