12-Caruur iyo Tababarahooda oo la la’aa 9-cisho oo laga helay Bohol biyo ka buuxaan (Daawo Sawirro)

Koox caruur ah oo ciyaarta kubada cagta oo ka kooban 12 Wiil iyo tababarahooda oo u dhashay dalka Thailand oo la la’aa mudo 9-maalmood ah ayaa lagu arkay iyaga oo ku dhax go’doonsan bohol ay biyo ka buuxaan  .

Kooxaha gurmadka dalka Thailand ayaa ka baaraandagaya sida ugu macquulsan ee looga soo saari karo caruuran bohosha ama godka ay ku jiraan , waxaana shaki la galinayaa in si deg deg ah caruurtaasi looga soo saari karo godka.

Muuqaal lasoo duubay ayaa muujinaya markii ay quusayaal British ah ay la kulmeen caruurtaas oo diif ay ka muuqatay,kuwaasoo ku sugnaa meel qalalan oo bohosha kamid ah laakinse ay biyo ku hareereysnayeen.

Waxaa jira cabsi xoogan oo laga qabo in ay dhibaato soo gaarto caruurta iyo macalinkooda ku go’doonsan godka hoostiisa, waxaana suuro gal ah in jooga biyaha godkaasi maraya ay saro usii kacaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in caruurtaasi kusii hoos jiraan godka mudo dheer hadii uusan dhulku qalalin ama aysan baran dabaasha, waxaana laga fekerayaa in loo geeyo raashin badan iyo daawooyin ay kusii noolaadaan.

Duqa magaalada Chiang Rai, Narongsak Osotthanakon ayaa sheegay in la wado dadaalo lagu doonayo in nal iyo khad taleefan loogu xiriiriyo si la isugu dayo in wiilashu ay la hadlaan waaliddiintood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -