Madaxweyne iyo Baarlamaanka dal dhan oo loo karantiilay shaki la xiriira Coronavirus

Baarlamanka dalka qaarada afrika ku yaalla ee Botswana oo ka kooban 64 xubnood ayaa galay karantiil, ka dib markii dhakhtar baaritaan marsiiyay isagii laga helay Coronavirus.

Mudanayaasha baarlamaanka Botswana oo uu ku jiro madaxweynaha Mokgweetsi Masisi ayaa la karantiilayaa 14 maalmood oo loo baari doonaa cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, ka dib markii dhaqtar caafimaadkooda baarayey isaga laga helay cudurkan.

Dhaqtarka ayaa hubiyay heerkulka qaar ka mid ah xildhibaanada Arbacadii intii lagu guda jiray fadhiga gaarka ah ee baarlamaanka, kaasoo looga doodayey soo jeedinta madaxweynaha ee ah in lagu kordhiyo xaalada degdeg ah lix bilood.

Wasiirka Caafimaadka, Lemogang Kwape, ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha la karantiilay, lana hubinayo iney qaadeen cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -