Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Turkiga oo loogu hanjabay Cunaqabateyn adag

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabateyn kusoo rogi doonto dowlada Turkiga, kadib markii dowladaasi diiday dalab Mareykanka uga yimid oo ku aadanaa in xabsiga laga sii daayo Baadari ku xiran Turkiga.

Mareykanka ayaa dhoor mar ka codsaday dowlada Turkiga in ay sii deyso Andrew Brunson, oo ah baadari u dhashay dalka Mareykanka kuna xiran dalka Turkiga, baadarigan ayaana lagu eedeeyay in uu taageeray afgambigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in cunaqabteynta ay si gaar ah ula beegsanayaan waaxda cadaaladda ee dalka Turkiga iyo wasaaradda arrimaah gudaha oo xariga baadarigan ka dambeeyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa si kulul u cambaareeyay hadalka kasoo yeeray dowlada Turkiga, waxa uuna sheegay in haddii Mareykanka uu ka firsan waayo hab dhaqankiisa uu lumin doono saaxiib dhab ah.

Dalka Turkiga waxaa ku xiran dad badan oo isugu jira ajaaniib iyo kuwa u dhashay dalkaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay gacan ka geesteen afgambigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Saraakiil gaaray degmada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Farmaajo maku fashilmay afgambi siyaasadeedkii uu waday masa xeelad kale ayuu adeegsan rabaa?

admin
Taboola Ads ---